EXIT

News > Fact Sheets

Had iyo Jeer la is weeydiiyo: Shatiga darawalnimada oo Idil

Posted on Apr 26 2023

Hadda ahaan Maarso 28, 2023. Xaashidan ay ku qoran tahay xogta muhiimka ah ayaa socota oo waxaana lagu cusbooneysiin doona hadba sida loogu baahdo. Maaha talo sharci

Iskaan ku samee koodhka QR-kan si aad u hesho cod duuban oona ah xogta muhiimka ah ee ku qoran xaashidan.

 

 

Maarso 7, 2023, Barasaabka Tim Walz waxa uu saxiixay Laysinka Darawalnimada Dadka dhan la siiyo si uu sharci u noqdo. Sharcigu wuxuu dhaqan galayaa Oktoobar 1, 2023 Xaashidan ay ku qoran tahay xogaha muhiimka ah waxay soo koobaysaa sharciga cusub oo keliya.

Dhowrka bilood ee soo socda, Waaxda Badbaadada Dadweynaha (DPS), ILCM, iyo la-hawlgalayaasheena ayaa diyaarin doona agabyo kale si ay kaaga caawiyaan inaad u diyaargarowdo inaad codsato laysinka darawalnimada. Si aad u hesho agabyadii ugu danbeeyay, fadlan booqo www.ilcm.org.

Si xaashidan ku qoran xogaha muhiimka looga dhigo mid sahlan in la akhriyo, waxaan si guud u tixraacnaa “laysinka darawalnimada”, laakiin kaararka aqoonsiga gobolka ayaa sidoo kale lagu heli karaa sida ku qoran sharciga cusub.

U Hogaansanaanta Aqoonsiga Aan-DHABTA Ahayn Minnesota/ Shatiga Darwalka ee Caadiga ah

1. Yaa heli kara laysinka darawalnimada marka loo eego sharciga cusub?

Laga bilaabo 1-da Oktoobar 1, dhammaan reer Minnesota waxay heli karaan laysinka darawalnimada iyadoon loo eegin xaaladda socdaalka. Si loo helo laysinka darawalnimada, codsadaha jira 21 ama ka weyn waa inay caddeeyan  aqoonsigooda, kuna aflaxaa imtixaanka aragga, oo uu ku aflaxaa imtixaannada qoraalka ah iyo tan babuur wadista.  codsadayaasha u dhexeeya 16 iyo 21 way kala duwan yihiin.

2. Waa maxay nooca laysinka darawalnimada lagu heli karo ee hoos imaada sharciga Laysinka Darawalnimada ee Dadka dhan la siiyo?

Laga bilaabo 1-da Oktoobar, dhammaan reer Minnesota waxay xaq u yeelan doonaan laysinka darawalnimada ee heerka D iyadoon loo eegin xaaladda socdaalka.  Ma jiri doonto calaamado ku qoran laysinka oo muujinaya jinsiyadda ama xaalad socdaal. Waxaa jira laba laysin oo kale oo laga heli karo Minnesota: laysinka ahna Aqoonsiga iyo laysinka labaduba iyo laysinka aqoonsiga Dhabta ah. Si loo helo laysinka ahna aqoonsiga iyo laysinka labaduba iyo laysinka aqoonsiga Dhabta ah, codsaduhu waa inuu caddeeyaa jinsiyadda ama xaalad socdaal oo u qalma.

Kaararka Aqoonsiga ee Minnesota

3. Waa maxay hadii aan kaliyah rabo AQOONSI laakin aanan rabin inaan wado gaadiid?

Qof kasta oo da’ kasta ah wuxuu codsan karaa kaarka aqoonsiga Minnesota (sawirka AQOONSIGA ee kore). Ka dib Oktoobar 1, qof kasta oo da’ kasta ah ayaa codsan kara kaarka aqoonsiga Minnesota iyadoon loo eegin xaaladda socdaalka. Codsaduhu waa inuu dalbadaa kaarka oo uu bixiyaa khidmadda loo baahan yahay iyo caddeynta la soo bandhigayo ee aqoonsiga (noocyo lamid ah dukumiintiyada aqoonsiga ee loo oggol yahay shatiga darawalka). Laga bilaabo Octobar 1, dhamaan reer minnesota oo idil ayaa xaq u yeelan doonaan kaarkarka aqoonsiga ayadoon loo egeeyn xaalada soo galootiga. Ma jiri doonto calaamado ku yaal kaarka aqoonsiga oo muujinaya dhalasho ama xaalad soo galooti.

4. Dukumeentiyo noocee ah ayaa la isticmaali karaa si loo caddeeyo aqoonsiga?

Codsadayaasha laysinka Darawalnimada heerka D waxay horaantii awoodaan inay isticmaalaan dukumeentiyada aqoonsiga halkan ku taxan si ay u caddeeyaan aqoonsigooda. Laga bilaabo 1-da  Oktoobar, codsadayaashu sidoo kale waxay awood u yeelan doonaan inay isticmaalaan dhowr dukumeenti oo ah kuwo ajnabi iyo socdaal ah si ay u caddeeyaan aqoonsigooda. Dukumeentiyadan waxaa ku jira kuwan soo socda, Waaxda Badbaadada Dadweynahana (DPS) waxay daabici doontaa liis dheer oo dukumeentiyada la aqbali karo marka loo dhawaado Oktoobar 1-deeda:

  • Baasaboor wadan kale ah
  • Shahaadada dhalasho wadan kale ah
  • Shahaadada korsashada laga helay wadan kale
  • Ogeysiiska xereynta socdaalka iyo ogolaanshaha qaarkood

5. Way igu adkaan doontaa inaan helo dukumentiyada aqoonsiga ee looga baahan yahay codsigan. Maxaan falaa?

Sharcigani ma dhaqan gelayo ilaa Oktoobar 1, 2023, marka tani waxay ku siinaysaa wakhti aad ku soo ururiso dukumeentiyada loo baahan yahay. Haddii aadan heli karin, waxaa laga yaabaa in weli ay jirto qaab aad ku codsan karto shatiga darawalnimada (iyada oo loo marayo wax loo yaqaan “nidaamka kala duwanaanshaha”). DPS waxay wali ka shaqaynaysaa tafaasiisha hababkan qaarkood waxayna ka dhigi doontaa macluumaad badan oo la heli karo goor dhow Oktoobar -1 deeda.

6. Miyaan u baahanahay inaan keeno caddaynta jinsiyadda ama sharciga socdaalka si aan u helo laysinka darawalnimada heerka D?

Laga bilaabo 1-da Oktoobar, codsadayaasha laysinka caadiga ah ee heerka D uma baahna inay bixiyaan caddaynta jinsiyadda ama heerka socdaalka si ay u helaan laysinka darawalnimada. Dhab ahaantii, DPS looma oggola inay waydiiso codsadayaasha laysinka darawalnimada heerka D jinsiyaddooda ama xaaladdooda socdaal.

7. Waxaan ahay qof aan haysan wax dukumenti ah (tusaale ahaan, waxaan Mareekan soo galay Visa la’aan, ku soo galay visa oo aan sii joogay marka ay iga dhacdey, iyo wax la mid ah.). Ma heli karaa shatiga darwalnimo ee Minisota?

Haa. Laga bilaabo Oktoobar 1, caddeynta xaaladda Soo galootiga looma baahna iyada oo qayb ka ah dalabka shatiga darawalnimada ee Minnesota. Waxaad u baahan doontaa inaad bixiso dukumiintiyada aqoonsiga ee loo baahan yahay (eeg su’aasha # 4), laakiin uma baahnid inaad haysato ama caddeyso heerka socdaalka ee sharciga ah si aad ugu qalanto shatiga darawalnimo ee Minnesota.

8. Shatiga darawalnimo miyuu siyaa wax socdaal ah ama oggolaansho shaqo oo loogu talagalay soogalootiga bilaa sharciga ah?

May. Heerka socdaalku waa arrin u taal sharciga federaalka. Shatiyada darawalka ee lagu soo saaray sharciga gobolka ma bixiyo heerka socdaalka ama oggolaanshaha shaqada.

 9. Waa maxay ilaalinta gaarka ah ee ku jirta sharciga Laysinka Darawalnimada Dadka dhan la siiyo?

Laga bilaabo 1-da Oktoobar, waxaa jiri doona xaddidaadyo adag oo ku imaanaya awoodda DPS si ay ula wadaagto macluumaadka ka baxsan wakaaladda ee ku saabsan qof sita laysinka darawalnimada heerka D.

Marka hore, DPS looma oggola inay cid la wadaagto macluumaad kasta oo ku saabsan jinsiyadda qofka ama xaaladda socdaalka. Waxaa jira mid ka reeban: DPS waxay xogtan la wadaagi kartaa Xoghayaha Gobolka Minnesota (SOS) si loo horumariyo diiwaanada diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Marka labaad, DPS looma oggola inay la wadaagto wax macluumaad ah oo ku saabsan shakhsiyaadka soo codsaday ama helay laysinka darawalnimada heerka D ee ICE ilaa DPSay amarto maxkamad inay sidaas samayso mooyee.

Mida saddexaad, haddii DPS ay cid ka baxsan wakaalada ay la wadaagto wax macluumaadka shakhsiyaadka soo codsaday ama helay laysinka darawalnimada heerka D, wakaaladda helaysa waa inay saxiixaan caddayn inaysan macluumaadka ICE aysan cid kale la wadaagi doonin ama aanay u isticmaali doonin macluumaadka si ay u xoojiyaan sharciyada socdaalka.

10. Hadii aan si ku meel gaar ah aan ku helo Lambarka Amniga Bulshada laakin aan gebi ahaanbo ansax ku ahayn shaqada, makan baa ku qoraa codsiga?

Lambarka Sooshal Sekuuritiga (SSN) loogama baahna si loo helo shatiga Darawalka Heerka D ee caadiga ah. Codsiga shatiga darawalnimo waxaa la weeydiin doonaa codsadayaasha in ay liis gareeyaan lambarka sooshal sekuuritga. Tani waa run xitaa haddii aadan haysan xaalad soogalootinimo sharci ah oo SSN aysan ansax u ahayn ujeeddooyinka shaqada. Hadii aadan haysan hal, waxaad saxiixi doonta tijaabo inaadan haysan mid.

11. Miyaan qorayaa ITIN hadii aan leeyahay mid?

Ha ku qorin lambarkaaga ITIN booska SSN. Codsiga Shatiga Darawalnimo ee la cusbooneysiiyay ayaa lagu weeydiin karaa lambarka ITIN. Hadii laweydiiyo lambarka ITIN waa inaad bixisaa. DPS waxay waqti dambe bixin doontaa macluumaad badan oo arrintan ku saabsan.

12. Xagee ka codsan karaa shatiga? Miyeey tahay inaan shaqsi ahaanteyda sameeyo?

Minnesota Driver and Vehicle Services ( DVS ) waxay haysaa macluumaad ku saabsan goobaha xafiiska, jadwalka tijaabada, iyo khidmadaha codsiyada shatiga darawalnimada ee laga heli karo websaydka Minnesota DVS.  

Waxaad ku buuxin kartaa nidaamka codsiga shaqsi ahaan goobta DVS ama goob rasmi ah oo DVS-la shuraako ah. Waxaad sidoo kale ku buuxin kartaa Ururada bulshada ee DVS-la- shuraakayaasha rasmiga ah, qaybo ka mid ah nidaamka codsiga, sida tijaabada qoraalka ah. Hubi inaad buuxinayso codsigaaga oo aad codsigaga ku soo gudbinayso goobta DVS ah ama lashuraako DVS ah oo rasmi ah. Codsiyada waa inuu soo gudbiyaa qofka codsanaya shatiga oo lama soo gudbin karo illaa Oktoobar 1.

13. Maxaa dhacaya haddii aan ka qaatay shatiga darawalnimada gobol kale?

Haddii aad ka qaadatay shatiga darawalnimada gobol kale, ka hubi websaydka Minnesota DVS.

Jawaabtu waxay ku xirantahay halka aad ka heshay shatiga, iyo in uu wali yahay mid shaqeenaya goorta aad codsaneyso shatiga Minnesota.

Fadlan si toos ah u weydii DVS haddii aad qabtid su’aalo ka dib markaad dib u eegto boggooda intarneetka iyo / ama weydiiso qareen soogalootinimo haddii aad qabtid su’aalo ku saabsan dukumiintiyada aad u isticmaali jirtay inaad ku hesho shatiga gobol kale.

Iskaan ku samee koodhka QR-kan si aad u hesho cod duuban oona ah xogta muhiimka ah ee ku qoran xaashidan.

 

Nooca PDF ee xaashida ay ku qoran tahay xogaha muhiimka ah