EXIT

News > Fact Sheets

Xaashida ay ku qoran tahay xogaha muhiimka ah ee ILCM: Laysinka Darawalnimada Dadka dhan la siiyo

Posted on Mar 31 2023

Hadda ayuu jiraa laga bilaabo Maarso 14, 2023. Tani talo sharci maahan.

Maarso 7, 2023, Barasaabka Tim Walz waxa uu saxiixay Laysinka Darawalnimada Dadka dhan la siiyo si uu sharci u noqdo. Sharcigu wuxuu dhaqan galayaa Oktoobar 1, 2023 Xaashidan ay ku qoran tahay xogaha muhiimka ah waxay soo koobaysaa sharciga cusub oo keliya.

Dhowrka bilood ee soo socda, Waaxda Badbaadada Dadweynaha (DPS), ILCM, iyo la-hawlgalayaasheena ayaa diyaarin doona agabyo kale si ay kaaga caawiyaan inaad u diyaargarowdo inaad codsato laysinka darawalnimada. Si aad u hesho agabyadii ugu danbeeyay, fadlan booqo www.ilcm.org.

Si xaashidan ku qoran xogaha muhiimka looga dhigo mid sahlan in la akhriyo, waxaan si guud u tixraacnaa “laysinka darawalnimada”, laakiin kaararka aqoonsiga gobolka ayaa sidoo kale lagu heli karaa sida ku qoran sharciga cusub.

Yaa heli kara laysinka darawalnimada marka loo eego sharciga cusub?

Laga bilaabo 1-da Oktoobar 1, dhammaan reer Minnesota waxay heli karaan laysinka darawalnimada iyadoon loo eegin xaaladda socdaalka. Si loo helo laysinka darawalnimada, codsadaha jira 21 ama ka weyn waa inay caddeeyan  aqoonsigooda, kuna aflaxaa imtixaanka aragga, oo uu ku aflaxaa imtixaannada qoraalka ah iyo tan babuur wadista.  codsadayaasha u dhexeeya 16 iyo 21 way kala duwan yihiin.

Waa maxay nooca laysinka darawalnimada lagu heli karo ee hoos imaada sharciga Laysinka Darawalnimada ee Dadka dhan la siiyo?

Laga bilaabo 1-da Oktoobar, dhammaan reer Minnesota waxay xaq u yeelan doonaan laysinka darawalnimada ee heerka D iyadoon loo eegin xaaladda socdaalka.  Ma jiri doonto calaamado ku qoran laysinka oo muujinaya jinsiyadda ama xaalad socdaal. Waxaa jira laba laysin oo kale oo laga heli karo Minnesota: laysinka ahna Aqoonsiga iyo laysinka labaduba iyo laysinka aqoonsiga Dhabta ah. Si loo helo laysinka ahna aqoonsiga iyo laysinka labaduba iyo laysinka aqoonsiga Dhabta ah, codsaduhu waa inuu caddeeyaa jinsiyadda ama xaalad socdaal oo u qalma.

Dukumeentiyo noocee ah ayaa la isticmaali karaa si loo caddeeyo aqoonsiga?

Codsadayaasha laysinka Darawalnimada heerka D waxay horaantii awoodaan inay isticmaalaan dukumeentiyada aqoonsiga halkan ku taxan si ay u caddeeyaan aqoonsigooda. Laga bilaabo 1-da  Oktoobar, codsadayaashu sidoo kale waxay awood u yeelan doonaan inay isticmaalaan dhowr dukumeenti oo ah kuwo ajnabi iyo socdaal ah si ay u caddeeyaan aqoonsigooda. Dukumeentiyadan waxaa ku jira kuwan soo socda, Waaxda Badbaadada Dadweynahana (DPS) waxay daabici doontaa liis dheer oo dukumeentiyada la aqbali karo marka loo dhawaado Oktoobar 1-deeda:

  • Baasaboor wadan kale ah
  • Shahaadada dhalasho wadan kale ah
  • Shahaadada korsashada laga helay wadan kale
  • Ogeysiiska xereynta socdaalka iyo ogolaanshaha qaarkood

Miyaan u baahanahay inaan keeno caddaynta jinsiyadda ama sharciga socdaalka si aan u helo laysinka darawalnimada heerka D?

Laga bilaabo 1-da Oktoobar, codsadayaasha laysinka caadiga ah ee heerka D uma baahna inay bixiyaan caddaynta jinsiyadda ama heerka socdaalka si ay u helaan laysinka darawalnimada. Dhab ahaantii, DPS looma oggola inay waydiiso codsadayaasha laysinka darawalnimada heerka D jinsiyaddooda ama xaaladdooda socdaal.

Waa maxay ilaalinta gaarka ah ee ku jirta sharciga Laysinka Darawalnimada Dadka dhan la siiyo?

Laga bilaabo 1-da Oktoobar, waxaa jiri doona xaddidaadyo adag oo ku imaanaya awoodda DPS si ay ula wadaagto macluumaadka ka baxsan wakaaladda ee ku saabsan qof sita laysinka darawalnimada heerka D.

Marka hore, DPS looma oggola inay cid la wadaagto macluumaad kasta oo ku saabsan jinsiyadda qofka ama xaaladda socdaalka. Waxaa jira mid ka reeban: DPS waxay xogtan la wadaagi kartaa Xoghayaha Gobolka Minnesota (SOS) si loo horumariyo diiwaanada diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Marka labaad, DPS looma oggola inay la wadaagto wax macluumaad ah oo ku saabsan shakhsiyaadka soo codsaday ama helay laysinka darawalnimada heerka D ee ICE ilaa DPSay amarto maxkamad inay sidaas samayso mooyee.

Mida saddexaad, haddii DPS ay cid ka baxsan wakaalada ay la wadaagto wax macluumaadka shakhsiyaadka soo codsaday ama helay laysinka darawalnimada heerka D, wakaaladda helaysa waa inay saxiixaan caddayn inaysan macluumaadka ICE aysan cid kale la wadaagi doonin ama aanay u isticmaali doonin macluumaadka si ay u xoojiyaan sharciyada socdaalka.

Iskaan ku samee koodhka QR-kan si aad u hesho cod duuban oona ah xogta muhiimka ah ee ku qoran xaashidan.

 

Nooca PDF ee xaashida ay ku qoran tahay xogaha muhiimka ah